Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir oo cusub, kuwaas oo kala ah;Safiirka Jamhuuriyadda Mali u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, , Madou DialloSafiirka Jamhuuriyadda Namibia u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, Marwo Emilia Mkusa.Safiirka Jamhuuriyadda Zambia u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, Marwo Rose Kashembe Sakala iyoSafiirka Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhi doona Jamhuuriyadda Jabuuti, Kang Jung.
Danjirayaashan ayaa dhamaantood muujiyay sida ay ugu farxaansanyihiin saaxiibtinimada iyo xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya dalalkooda iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Mali ayaa yiri; " Labada dal waxay wadaagaan ruuxda Afrikaanimada, waxeyna ka shaqeeyaan si loo xoojiyo Midnimada Afrika ee danta dadkeena,”
Safiirka ayaa intaas ku daray in Mali iyo Jabuuti ay ka midaysanyihiin aragtida lagu gaari karo Afrika oo ah nabad, barwaaqo iyo qaarad ka hormsan dhinac kasta, wuxuuna ku amaanay Madaxweyne Geelle sida uu Jabuuti uga dhigay dal ka sameeyay horumar muuqda dhinaca dhaqaalha iyo nabadda.

Safiirka cusub ee Namibia u fadhin doona dalka Jabuuti Marwo Emilia Mkusa ayaa iyaduna hadal ka jeedisay munaasabadda looga guddoomay warqadaha aqoonsiga waxeyna tilmaamtay in Jabuuti ay kaalin muhiim ah ku leedahay nabadda iyo ganacsiga gobolka, iyada oo xustay in iskaashiga Namibia iyo Jabuuti uu xoogga saari doono dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, iyo dhaqanka.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Zambia, Marwo Rose Kashembe Sakala ayaa iyaduna ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonto horumarinta iyo dhameystirka iskaashiga labada dal.








