Soomaaliya, 13 November 2025 — Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Khamiistii soo gaaray Muqdisho, taasoo la ogyahay inay tahay booqashadii ugu horeysay ee uu ku soo laabto caasimadda tan iyo markii uu xilka ka degay 2022.
Farmaajo wuxuu inta badan ku sugnaa dalka dibaddiisa muddo saddex sano ah, marka laga reebo booqasho gaaban oo uu Garowe ku tegey horaantii 2024.
Imaanshihiisa hadda waxa uu ku beegan tahay diyaar-garowga ay wadaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC), kaasoo ku dhawaaqay in doorashooyinka golayaasha degmooyinka Banaadir la qaban doono dhamaadka bisha November.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay wajahaysaa doorashooyin qaran oo 2026 ka dhici doona , kuwaasoo ay ka mid yihiin doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.







