Garoowe (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland, Axmed Cusmaan Karaash ayaa eed culus dusha ugu tuuray Madaxweyne Siciid Cadbullaahi Deni, isaga oo ku tilmaamay "kaligiis talis".
Qoraal uu soo dhigay barta Facebook ayuu Karaash ku yiri " Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awoodda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil".
Karaash ayaa u sheegay wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland in haddii Deni uu qaado tillaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah in uu isaga kaliya qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata.






