Sitti(Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa booqday iskaashatada cusub ee macdanta Biin, taas oo soo saarta dahabka isla markaana ku taalla deegaanka Biyo-qaboobe ee degmada Aysha, ee gobolka Sitti.
Iskaashatadan oo dhowaan la aasaasay ayaa filayaa inay door muuqda ka qaadato kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo abuurista fursado shaqo, iyadoo loo arko tallaabo horumarineed oo dhiirrigelinaysa maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee gobolka.
Madaxweyne Mustafe ayaa ku bogaadiyay xubnaha iskaashatada dadaalkooda, isagoo sheegay in maalgashiga iyo soo saarista macdanta ay ka mid tahay ilaha muhiimka ah ee gobolka ku taalla, ayna gacan ka geysan karto yareynta shaqo la’aanta iyo kordhinta dakhliga bulshada deegaanka.





