Sitti State (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxamed Cumar ayaa dhir beeris ku sameeyay xarunta warshadda dabaysha korontada ka dhalisa ee ku taalla degmada Aysha ee gobolka Sitti, taas oo qeyb ka ah olole dhir beerista ee ka socda deegaanadda dowlad deegaanka Soomaalida.
Madaxweyne, Mustafe, ayaa dhir beeristaan sameeyay.intii uu guda jiray booqashadiisa xarunta warshadda dabaysha korontada, Mustafe iyo wafdigiisa ayaa kulan la yeeshay maamulka xarunta si ay uga warbixiyaan hannaanka shaqo ee warshadda iyo qorshayaasha ballaarinta mustaqbalka.
Masuuliyiinta xaruntu waxay soo bandhigeen qorshayaal lagu kordhinayo awoodda soo saarista korontada dabaysha si loo daboolo baahida sii kordheysa ee deegaanka iyo gobollada deriska ah.





