Mogadishu (Dawan) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Spain iyo Boqortooyada ingriiska, halkaasoo uu kusoo saxiixi doono Heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Kenya iyo UK ee dib loo cusboonaysiiyey.
Madaxweyne Ruto ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, iyaga oo kala saxiixan doona Heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Kenya-UK 2025-2030.
Heshiiskaan dib loo cusboonaysiinayo ayaa diiradda saaraya afar tiir oo kala ah: ganacsi, cimilada, teknoolojiyadda, iyo ammaanka. Ujeedadu waa in la labanlaabo ganacsiga labada dal kahor sanadka 2030, kor loo qaado xirfadaha dijitaalka ah ee Kenya, iyo in la xoojiyo xasilloonida gobolka iyada oo la iska kaashanayo la-dagaallanka argagixisada, khataraha internet-ka, iyo tallaabooyinka cimilada.
Qodob kamida heshiiska ayaa ah dhameystirka mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhismaha, oo ay ku jirto Nairobi Railway City, taasoo la filayo inay u beddesho Xarunta Ganacsiga ee Nairobi magaalo casri ah oo ku tiirsan gaadiidka dadweynaha. UK ayaa ballanqaaday inay maalgelin gaaraysa £1.5 bilyan ku samayn doonto qaybaha muhiimka ah ee kobaca Kenya kahor sanadka 2030.
Heshiiska waxa kale oo diiradda lagu saarayaa tallaabooyin la xiriira cimilada, iyadoo labada dal ay ka go’an tahay inay furaan maalgelin cagaaran oo ka timaadda ilo kala duwan.






