Muqdisho, 23 December 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga jawaabay baaqii wadahadal ee kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kadib markii ay ku yeesheen shir magaalada Kismaayo, isaga oo caddeeyay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wadahadal siyaasadeed isla markaana ay furan tahay gogosha horay loo dhigay.
Madaxweynaha, oo ka hadlayay munaasabadda ololaha xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, ayaa sheegay in dowladda ay si gaar ah u qaadatay hal qodob oo ka soo baxay war-murtiyeedkii mucaaradka ee shirkii Kismaayo.
“Qoladii ku shirtay Kismaayo, wixii ay ka soo saareen, waxaan ka qaadanay hal qodob. Gogosha waa furan tahay, xafiiska madaxweynaha ayay ka fidsan tahay. Dowladda baaqaas si rasmi ah ayay uga jawaabeysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda aysan diidanayn wadahadal ama heshiis, balse ay si cad uga soo horjeeddo in la joogo hal meel muddo dheer.




