Jabuuti (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay safar diblomaasiyadeed oo uu ku doonayo inuu ku xoojiyo diidmada caalamiga ah ee la xiriirta aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.
Safarka madaxweynaha ayaa ka billowday Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle, kulan diiradda lagu saaray mowqifka ay labada dal ka taagan yihiin arrinta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
"Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya
Labada madaxweyne ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana tallaabada Israa’iil ay tahay mid ka hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka iyo mabaa’diida midnimada dhuleed.




