Imaaraadka, 01 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay inuu si rasmi ah qoraallo ugu diray madax kala duwan oo caalami ah, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sanadkan, isaga oo ka codsaday in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Cirro, oo ka hadlayay dood caalami ah oo Talaadadii lagu qabtay Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in dadaallada Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga ay socdaan muddo dheer, balse weli aanay helin jawaab rasmi ah oo ka timid madaxda uu codsiga u gudbiyay, taas oo uu ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn.
“Aniga lafteyda 18-ka May 2025, waxaan dhambaallo badan u diray madaxda caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed bin Zayid, Xasan Sheekh laftiisa, Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Faransiiska iyo madax kale. Ilaa iyo hadda jawaab kamaanu helin, taasina waxaan u arkaa in aysan cadaalad ahayn,” ayuu yiri Cirro.
Cirro wuxuu sheegay in Somaliland weli qabto rajo weyn oo ah in qadiyaddeeda la tixgelin doono, isaga oo tilmaamay in saraakiil sare oo Maraykan ah iyo xildhibaanno UK ah ay ku riixayaan arrinta aqoonsiga, isagoo arrintaas uga mahadceliyey.





