MUQDISHO (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgeli doona kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA), kaas oo furmaya 9ka Sebtembar 2025 xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay Dawan Africa.
Inkasta oo kalfadhigu si rasmi ah u furmi doono 9ka Sebtembar, doodda heerka sare ee madaxda dalalka oo ah qeybta ugu muhiimsan UNGA ayaa bilaaban doonta 23ka Sebtembar. Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo, taas oo noqonaysa markii labaad ee uu UNGA ka hadlo tan iyo markii uu dib ugu soo noqday xafiiska bishii Maajo 2022.
Kalfadhigan ayaa halku dhiggiisu yahay “Wadajir ayaa wanaag badan: 80 sano iyo wixii ka dambeeya nabadda, horumarka iyo xuquuqda aadanaha.” Shirku wuxuu kusoo beegmayaa xilli muhiim ah oo lagu cusboonaysiinayo ballanqaadka caalamiga ah ee ku aaddan wadajirka, garab istaagga, iyo tallaabo wadajir ah





