Dhuusamareeb (Dawan)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda howlgallada Atul Khare oo booqasho ku jooga Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto inay dalka ka xoreyso kooxda Al-shabaab.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobay ka fuliso Soomaaliya iyo sidii loo sii joogteyn lahaa kadib bixitaanka ATMIS.
Madaxweynaha ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in la dardargeliyo taageeridda Soomaaliya gaar ahaan ciidanka si guulo looga gaaro dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.







