Soomaaliya, 3 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii mar kale ku celiyey amar hore oo dowladdu soo saartay, kaas oo mamnuucaya gaadiidka Cabdi-bilayaasha ah ee lagu rakibo qoryaha Dhashiikaha, isagoo sheegay inaan la oggolaan doonin in magaalada Muqdisho lagu dhex wato.
“Lama wadan karo gudaha magaalada baabuur Cabdi-bile ah oo qori Dhashiike saaran yahay,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo khudbad ka jeedinayey masaajidka madaxtooyada.
Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey gaadiidka noocan ah inay yihiin astaan muuqata oo muujinaysa amni darro, isla markaana hoos u dhiga kalsoonida shacabka. Wuxuu sheegay in isaga qudhiisu uu ka tanaasulay isticmaalka gaadiidkan, isla markaana Golaha Wasiirradu horey uga soo saareen go’aanno cad oo ku saabsan.





