Soomaaliya, 29 September 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi-Bari uusan ahayn kala go’, balse uu xoojinayo midnimada federaalka Soomaaliya.
Khudbad uu ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka maanta, ayuu ku ammaanay bulshada Waqooyi-Bari oo ku guuleystay inay maamul ku dhisan did-u-heshiisiin iyo tanaasul sameystaan.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee Waqooyi-Bari oo ku guuleystay inay dhistaan dowlad-goboleed federaal oo ka dhashay rabitaankooda, dib-u-heshiisiintooda iyo tanaasulkooda.” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaanka maamulka cusub inay xoogga saaraan sugidda amniga, dib-u-heshiisiinta derisyada, iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada deegaanka u baahan yihiin:





