Dhuusamareeb (dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay xafladda sanad guurada maamul goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in laga fogaado khilaafaadka siyaasadeed ee caqabad ku noqon kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.
“ Qaran heshiis ah, oo khilaafka ka dhan , oo leh qaab dhismeed lagu xalliyo khilaafdka ayaa tiigsan kara horumar dhinac walba leh” ayuu yiri, madaxweyne Xasan.



