Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad ee labadda Gole ee Baarlamaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa ka sheekeeyay guulihii iyo qabadihii 18-ki bilood ee lasoo dhaafayay iyo hiigsiaga dowladda Soomaaliya ee mustaqbalka dhaw.
Dhanka amniga ayuu sheegay in la gaaray guulo waaweyn, iyada oo dagaal xoogan lagu qaaday kooxda Al-shabaab oo sannadihii lasoo dhaafay dagaal kala dhaxeeyay dowladda kana talisa dhul ballaaran.
Madaxweynaha ayaa ku faanay in Al-shabaab laga xoreyay dhul ka balllaran dowlado caalamka ka jira, kaas oo gaaraya ilaa 80 deegaan oo isagu jira degmooyin iyo tuulooyin hoostaga Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Sidoo kale, waxa uu xusay in guul laga gaaray dagaalka dhanka fikirka iyo dhaqaalaha ay helaan Al-shabaab, iyada oo gabi ahaanaba la xiray qaabkii ay ku heli jireen lacagaha sidoo kalena aysan jirin maanta qof lagu khaldi karo fikirka Al-shabaab, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in wax wada hadal dhex mari karo kooxda Al-shabaab isaga oo yiri " khawaarijta marna ma aha koox in la is horfadhiisto oo laga wada hadlo masiir dal iyo umadeed ay naga dhaxeeyn karto"
Dhanka adeega bulshada, waxa uu carrabka ku dhuftay in wax laga qabtay arrimaha waxbarashada iyada oo la qaatay 3,000 oo Macallin, qorshaha xukuumaddana ay ku jirto in lasii qaato 3,000 oo kale si loo ballaariyo loona tayeeyo hannaanka waxbarashada dalka.
Waxaa iyaduna wax laga qabtay dhinaca caafimaadka, garsoorka iyo adeegyada kale ee asaasiga u ah nolosha aadanaha, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan.



