Kismaayo (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Maamul Goboleedka Jubbaland.
"Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku sallaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland", ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia
Madaxweynaha waxaa garoonka Magaalada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.





