Oslo (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus, sida ay sheegtay Villa Somalia.
"Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka.
Dhanka kale, farriin lagu daabacay barta Facebook ee qasriga boqortooyada Norway, ayaa lagu yiri; " Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed uu booqasho rasmi ah ku yimaado Norway"
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira booqasho uu ku marayo dhowr dal oo Yurub ah, isaga oo mas’uuliyiinta dalalkaas kala xaajoonaya xoojinta iyo iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.




