Muqdisho ( Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, sida ay shaacisay Villa Somalia.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu yiri " Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka".
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa Isaias Afwerki, si ay uga wada hadalaan iskaashiga labada dal gaar ahaaan dhinaca amniga iyo tababridda ciidamada Soomaaliya.
Villa Somalia ma sheegin, muddada ay qaadan doonto booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh, waana booqashadii afaraad ee uu ku tago Asmara, tan iyo markii dib loo doortay bishii May 2022.
Dowladda Ereteriya ayaa Soomaaliya u tababarta ciidan tira badan kuwaas oo qaar ka mid ah dalka lagu soo celiyaya kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


