Soomaaliya, 3 November 2025 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah u ambabaxay dalka Tanzania, halkaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania, Samia Suluhu Hassan, kadib doorashadii ugu dambeysay ee loo doortay.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa horay hambalyo ugu diray Samia Suluhu isaga oo Twitter ku sheegay:"Waxaan hambalyo diiran u dirayaa Mudane SuluhuSamia ku guuleysashada dib-u-doorashadeeda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Tanzania. Guusheedu waxay muujineysaa kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Tanzania. Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay xoojiso xiriirka walaaltinimo iyo horumarinta nabadda & barwaaqada gobolka."
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa madaxii guusha Suluhu ugu hambalyeeyey.







