Soomaaliya, 3 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaal mucaaradka ah ah in ay ku caan baxeen waxa ay diidan yihiin balse aan la garanayn waxa ay taageersan yihiin, isaga oo sheegay in taasi ay tahay mushkiladda ugu weyn ee siyaasadda dalka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay salaaddii Jimcaha ee masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in khilaafku uu yahay arrin dabiici ah, balse dhibka uu yimaado marka aan la helin mowqif siyaasadeed oo cad.
“Dad hoggaamiyeyaal iyo siyaasiyiin ah waxa ay diiddan yihiin waa la garanayaa, laakiin waxa ay rabaan aan la garaneyn waa mushkilad,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mowqifka dowladda federaalka uu yahay mid lagu caddeeyay dastuurka iyo sharciyada dalka, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ahna inay caddeeyaan mowqifyadooda siyaasadeed.



