Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday inuusan weli gaarin go'aan rasmi ah oo ku saabsan inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha doorashada la filayo sanadka 2026.
Waraysi uu siiyay wargeyska The EastAfrican ee fadhigiisu yahay Tanzania, ayuu Madaxweyne Xasan sheegay inuu hadda diiradda saarayo dib-u-dhiska dalka, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
“Markii waqtiga doorashada yimaado ayaan go'aan ka gaari doonaa," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida laga soo xigtay wargeyska The EastAfrican.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay qorshayaashiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta amniga dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamiga ah, sida Kenya iyo Mareykanka.





