Soomaaliya, 27 Sebteembar 2025 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in israsaaseyntii ka dhacday saldhigga Warta-Nabadda ay ahayd isku day dil oo lagu doonayey in isaga iyo xubno kale lagu khaarajiyo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu habeennimadii Jimcaha qabtay, kaas oo uu uga hadlayey xiritaanno uu sheegay in lagu bartilmaameedsaday in ka badan 20 odayaal.
Madaxweynihii hore ayaa sharaxay inay saldhigga u tageen si ay damiin ugu noqdaan oday la xiray, balse halkaas lagu weeraray oo lagu isku dayey in la dilo.





