Kismaayo (Dawan)- Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland, Axmed Sheekh Maxamed iyo wafdigiisa ayaa ku laabtay magaalada Kismaayo, iyada oo aan wax heshiis ah laga soo saarin shirka Golaha wadatashiga Qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa loo arkaa inaan is-afgarad laga gaarin arrimihii shirka oo ay ugu muhiimsaneed arrimaha doorashooyiinka inkasta oo aysan jirin cid ka hadashay dhammaan dhinacyadii ku lugta lahaa shirka.



