Addis Ababa (Dawan)- War-saxaafadeedka laga soo saaray Shir Madaxeedka 37-aad ee Ururka Midowga Afrika, ayaa lagu bogaadiyay guulihii ay Dowladda Soomaaliya kasoo hoysay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Waddamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa sidoo kale looga mahadceliyaya naf-hurnimadooda iyo taageerada ay u fidiyeen Dowladda Soomaaliya, sannadihii lasoo dhaafay si dalka loogu soo dabbaalo nabad iyo xasilooni.
Madaxda Afrika ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya si loo wiiqo loogan adkaado xoogaga Al-Shababaab oo dagaal kula jira Ciidamada Soomaaliya.



