Manchester (Dawan)- Maanta oo Axad ah kooxda Manchester City ayaa markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysatay koobka horyaalka Ingiriiska, kadib markii ay 3-1 uga badisay kooxda West Ham, waana markii tobonaad ee Manchester City ay ku guuleysato Premier League.
Goolasha City waxaa u kala dhaliyay Phil Foden daqiiqadaha (2-aad iyo 18-aad) iyo Rodri (59-aad) halka goolka qura uu dhaliyay Maxamed Quddus kooxdiisa West Ham daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta.
Phil Foden ayaa dhaliyay 9 gool 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ciyaaray tartamada oo dhan, isaga oo dhaliyay 8 gool 6-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka England.
Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League lix ka mid ah 7-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.
Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee 4 koob oo xiriir ah ku guulaysta taariikhda horyaalka Ingiriiska.



