Muqdisho (Dawan)- Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in abaal marin lacagaeed oo gaareysa 10 malyan oo dollar la siin doono cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan Amiirka Al-shabaab ,Axmed Diiriye oo ku magac dheer Abuu Cubeyda.
"Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa abaalmarin gaaraysa illaa 10 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii soo sheegta Axmed Diiriye, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda” ayaa lagu yiri, warbixin kasoo baxday Maraykanka.
Abuu Cubeyda ayaa ah hogaamiyaha Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn lagu dilay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Maraykanka ayaa ku eedeyay hogaamiyaha Al-Shabaab inuu ku lug lahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti oo ay ku dhinteen boqolaal qof.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Axmed Diiriye sannadkii 2015.






