by Abukar Osman
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa si xooggan u diiday warbixin sheegaysa in maamulka Trump uu qorsheynayo inuu si weyn u yareeyo hawlgallada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, isagoo ku tilmaamay warbixinta "war been abuur ah".
Rubio ayaa sheegay in warbixinta la daabacay ee New York Times ay ahayd "khuraafaad", isagoo si gaar ah u weeraray warbaahinta, taasoo sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay qorsheyneyso in ay joojiso inta badan hawlgalladeeda Afrika iyo hoos u dhigidda joogitaankeeda Canada.
Warbixinta ayaa sheegtay in qorshayaasha isbeddelada la soo jeediyay, haddii la hirgeliyo, ay yareynayaan kharashyada dowladda Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo la dhimayo joogitaanka safaaradaha iyo qunsuliyadaha caalamka.



