Addis Ababa 24 Diseembar 2025 (Dawan) — Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka caafimaadka ah, oo soconaya muddo shan sano, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka Itoobiya, isla markaana lagu maalgelinayo adduun lacageed oo ka badan $1.6 bilyan.
Sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, dowladda Mareykanka ayaa bixin doonta ilaa $1.016 bilyan oo loo marinayo hay’adaha dowladda, halka Itoobiya ay kaga qeyb qaadan doonto $450 milyan oo ka imanaya kheyraadkeeda gudaha. Heshiiskan wuxuu soconaya muddada u dhexeysa 2026 ilaa 2030.
Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa intaas ku dartay in dowladda Mareykanka ay sidoo kale bixin doonto $150 milyan oo deeqo ah taas oo ku xiran waxqabadka. Haddii si buuxda loo bixiyo, taageerada Mareykanka waxay gaari doontaa $1.166 bilyan, taas oo marka lagu daro doorka Itoobiya ka dhigeysa qiimaha guud ee heshiiska shanta sano ah $1.616 bilyan.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Mekdes Daba ayaa sheegtay in heshiiskan uu dhisayo qaab iskaashi oo shan sano ah, kaas oo diiradda saaraya la-dagaallanka HIV AIDS, qaaxada, iyo u diyaar-garowga cudurrada faafa, iyadoo la xoojinayo nidaam caafimaad oo mideysan, islamarkaana adkaysi leh.





