Muqdisho ,Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto deeqaha ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo gargaarka bini’aadminimo, xilli ay jireen warar hore oo muujinayay isbeddel ku yimid taageeradaasi.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Dowladda, Wasiir Biixi ayaa caddeeyay in Mareykanku sanaddiiiba uu Soomaaliya siiyo taageero dhaqaale oo gaaraysa 500 milyan oo doollar, taas oo isugu jirta maalgelinta ciidamada Danab iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS). Wuxuu xusay in miisaaniyadda amniga aan wax weyn iska beddelin, islamarkaana qorshaha deeqaha uu sidoodii u soconayo.
Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Soomaaliya la soo wareegtay bixinta mushaharka qeyb ka mid ah ciidamada Danab, taasoo ahayd qorshe hore loo dejiyay. Wuxuu meesha ka saaray warar hore oo muujinayay in Mareykanku hakiyay taageeradiisii amniga, isagoo xusay in deeqahaasi ay si caadi ah u socdaan.
"Marka laga hadlayo amniga, Mareykanku sanad kasta wuxuu Soomaaliya ka taageeraa dhaqaale ku dhow 500 milyan oo doollar. Taageeradaasi waxay isugu jirtaa taageerada ciidamada Danab iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu yiri Wasiir Biixi.





