ST. LOUIS PARK (Dawan)- Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.
Naadiya ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.
"Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna" ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda.
Doorashadan waxaa Naadiya taageerayay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameynin kahor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkaan.
Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah Bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota, waxeyna heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay, taas oo u suurta gelisay in ay noqoto duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota.
Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waana qofkii ugu da'da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.
Naadiya Maxamed ayaa ololaha ku gashay in ay wax ka qaban doonto sidii loo fududeyn lahaa lahaanshaha guryaha, waxeyn taageero xooggan ka heshay bulshada iyo duqii hore ee magaalada.
Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir.



