Mareykanka (Dawan)- Mareykanka ayaa ballaarinaya taageeradiisa ciidan iyo mid farsamo oo uu siiyo Soomaaliya, si uu uga caawiyo sugidda xeebaha iyo burburinta shabakadaha tahriibka ee sharci-darrada ah, sida uu sheegay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Talaadadii.
Jeneral Dayvin R. M. Anderson, oo ka hadlayay horyaalka hoggaaminta taliska, ayaa sheegay in Washington ay ka gudbeyso ku-tiirsanaantii hore ee hawlgallada ciidan ee tooska ah, isla markaana ay diiradda saarayso istaraatiijiyad ballaaran oo ku dhisan “wacyiga badda”.
Isagoo xusay in duqeymaha cirka ee Mareykanka ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ay kordheen sannadkii la soo dhaafay, Anderson wuxuu sheegay in tallaabooyinkaas ay ahaayeen kuwo muhiim ah oo u suurta geliyay ciidamada Soomaaliya inay dib ula wareegaan deegaanno muhiim ah.
Wuxuu si gaar ah u tilmaamay hawlgallada ka socda Buuraha Golis ee Puntland, halkaas oo uu sheegay in cadaadis xooggan lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada ISIS, taas oo ku qasabtay hoggaankooda inay “dhulka hoostiisa galaan”.
“Duqeymahani waa kuwo muhiim ah, waxayna door weyn ka qaateen awood-siinta saaxiibadeenna si ay u gaaraan guulo la taaban karo,” ayuu yiri Anderson. Isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu sidoo kale yiri “Hase yeeshee, waxaan sidoo kale eegaynaa tallaabooyin ka baxsan duqeymaha oo wax looga qabanayo khataraha waaweyn.”
Anderson wuxuu muujiyay walaac gaar ah oo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay “khatarta Xuutiyiinta” ee gobolka, isaga oo xusay in hubka lagu tahriibiyo Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas uu sii xoojinayo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab.





