Washington, D.C., Mareykanka – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta oo Arbaco, taariikhdu tahay 9-ka April, canshuur celis ah oo dhan 104% la saari doono badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha. Tallaabadan waxay qeyb ka tahay qorshihii uu horey u shaaciyay ee ku saabsan canshuuraha celiska ah.
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in Trump uu aaminsan yahay in Shiinaha “ay tahay in ay heshiis la gaaraan Mareykanka,” ayna tahay "khalad in Shiinaha ay ka soo horjeestaan" siyaasadda canshuuraha. Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in canshuurahan cusub ay qeyb ka yihiin qorshihiisa "xoojinta dhaqaalaha gudaha ee Mareykanka" iyo "ka hortagga dhibaatada nidaamka ganacsiga."






