Washington, 29 Janaayo 2026 (Dawan) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u bilaabayso qaybinta gargaarka cunnada ee gudaha Soomaaliya kaas oo lasoo marsiin jiray Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) , sida uu sheegay Xafiiska Kaalmada Dibadda ee Mareykanka maanta oo Khamiis ah.
Qoraal lagu daabacay barta X, ayuu xafiisku ku sheegay in carqaladayntii hore ay saameysay gargaar uu Mareykanku maalgeliyay, balse hadda la go’aamiyay in keenista iyo qaybinta raashinka dib loo bilaabo, xilli Washington ay weli waddo dib-u-eegis ballaaran oo ku saabsan nidaamka gargaarka ay siiso Soomaaliya.
“Maamulka Trump wuxuu ilaalinayaa siyaasad adag oo ah inaan loo dulqaadan khasaare, xatooyo ama weecin lagu sameeyo hantida Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska.





