Ciidamada Soomaaliyaoo kaashanaya Ciidamada Mareykanka, ayaa qaaday duqeyn si wadajir ah looga fuliyeey degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, saacado kadib markii kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen aaggaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi oo xalay saqdii dhexe ay fuliyeen uu sababay dhimashada 12 dagaallame, oo ay ku jiraan hogaamiyaal sare oo ka tirsan kooxda.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), ayaa duqeynta la beegsaday goob ay dagaallamayaasha Al-Shabaab u adeegsanayeen inay gabaad ka dhigtaan.
“Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.





