Muqdisho (Dawan)- Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Mid ka mid ah meelaha la tilmaamay in laga yaabo in la bartilmaameedsado ayaa lagu sheegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo sidoo kale saldhig u ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo safaarado badan oo ay ku jiraan safaaradda Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.
“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa lagu booriyay inay qaadaan tallaabooyin dhowr ah oo ay ku jiraan inay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda amniga gaarka ah iyo inay ka fogaadaan goobaha ay joogaan dadka faraha badan, isu imaatinka iyo bannaanbaxyada, si ay xaqiijiyaan badqabkooda.






