Muqdisho (Dawan)- Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley ayaa tilmaamay in dalkiisu ka shaqaynayo sidii xal diblumaasiyadeed looga gaari lahaa khilaafka ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya ee soo billaawday kadib markii Addis Ababa ay heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland taas oo ka careysiisay Muqdisho sababtayna in gobolku galo xiisad cusub.
Safiirka oo wareysi siiyay idaacadda VOA ee laga leeyahay Mareykank ayaa yiri; "Aad ayaan uga warqabnaa , waxaana kawada shaqaynaynaa in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta," isaga oo ku tilaamay khilaafka soo kala dhexgalay labada dal ee deriska ah arrin nasiib darro ah.
Richard Riley ayaa intaas ku daray inaysan aqoonsanin is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ee sababay khilaafkan hadda taagan, wuxuuna xusay inay doonayaan inay ku xalliyaan hannaan diblomaasiyadeed.
Riley ayaa rajo ka muujiyay wareegga seddexaad ee wadahaadallada lagu ballansanyahay inay Soonmaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaraan bishaan markale Turkiga.



