Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad 20 qof oo hubeysan ayaa la wareegay gacan ku heynta markab xamuul ah oo marayay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay shirkad qaabilsan dhanka ammaanka badaha oo laga leeyahay dalka Ingriiska.
Markabkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee la beegsado, kaddib markii ay soo laba kacleeyeen weerarrada ay geysanayaan burcad-badeedda bilihii lasoo dhaafay, inkastoo shirkadda ammaanka badda ee Ambrey aysan sheegin inay burcad-badeedda Soomaalida ahaayeen kuwii markabka la wareegay.
Shirkadda Ambrey ayaa caddeeysay in markabku uu ahaa nooca xamuulka qaada oo sitay calanka Bangladesh, waana nooc ka mid ah maraakiibta ganacsi ee lagu daabulo shixnado aad u badan, kaas oo ka yimid Mozambique kuna sii jeeday Imaaraadka Carabta.
Afduubka markabka ayaa ka dhacay shalay (Talaado) meel 600 nautical miles bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sidoo kale, Hay’adda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa xaqiijisay in markabka la afduubtay, iyadoo tirada dadka hubaysan ee markabka la wareegay ay ku sheegtay 22 qof.


