Asmara (Dawan)- Magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, waxaa gaaray maanta wafdi culus oo ka socday Masar ayna ku jiraan madaxa sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Masar. Mas'uuliyiintan waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Isaias Afwerki iyaga oo gaarsiiyay dhambaal ay ka wadeen madaxweyne Cabdifataax Al-siis.
Lama shaacin farriinta dhambaalka balse waxay labada dhinac sheegeen in la iska wareystay tillaabooyiinka lagu hormarin karo xiriirka labada dal iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ugu muhiimsan ee gobolka oo ay ka mid yihiin xaaladaha ka taagan Suudaan, Soomaaliya, iyo amniga badda cas.
Labada dhinacba waxay isla qireen muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wadahadalada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday ballaarinta iskaashiga labada dhinac ee siyaasadda, ganacsiga, beeraha, tamarta, iyo caafimaadka.
Labada dal ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn ay sheegeen in loo jeediyay Masar (ma sheegin cidda eedeysay) oo ah inay ka shaqaynayso qalqalgelinta gobolka, waxayna ku tilmaameen arrintaas mid aan sal iyo raad toona lahayn oo loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo kaalinta dowladada Masar.




