Addis Ababa (Dawan)- Safiirka Masar u fadhiya Addis Ababa, Danjire Maxamed Jaad, ayaa Talaadadii la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie, sida ay sheegtay warbaahinta labada dal.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal, gobolka iyo danaha guud, sida ay baahisay Idaacadda Fana ee Itoobiya.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray halista weeraradii ugu dambeeyay ee Ururka Al-shabaaab ka gaystay gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku tilmaamay tillaabo walaac ku ah amniga guud iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Wasiirka iyo safiirka ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladda Suudaan iyo sida lagu joojin karo dagaalka daba dheeraatay ee ka socda dalkaas tan iyo bishii April ee 2023, si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Suudaan iyo xeryaha qaxootiga.
Kulankan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Cabdicaadi uu ku celiyay mowqifka adag ee dalkiisu ka taagan yahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo si cad u sheegay in Masar ay diiddan tahay is-afgaradkii dhanka badda ahaa ee horaantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland






