Qaahira (Dawan)- Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda uu soo gaaray markabkii ugu horeyay ee ka yimaada Soomaaliya kaas oo ay saaranyihiin 1,500 oo neef kuwaas oo la doonayo in qaab ganacsi ah loogu iibiyo suuqyada hilibka ee dalkaas.
Mas'uuliyiinta Masar ayaa tillaabadaan ku tilmaamay mid kor u qaadeysa iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo qorshaha ay xukuumadda Masar ku dooneyso inay ku yareyso dhibaatada ka haysata dhanka sicirka hilibka iyo xoolaha nool.
Waxaa sidoo kale socda diyaarinta 5,000 oo neef oo la doonayo in dhawaan loo raro dalka Masar, iyada oo la geyn doono gobollada dalkaas ee ay jirto hilib yarida xoolaha si ay dadku uga iibsadaan qiima macquul ah.
Dadka Masar ayaa dhibaato badan ku qaba heliida hilibka xoolaha, waxaana cabasho badan ka jirtay waayadii ugu dambeeyay qiimaha lagu iibiyo hilibka taas oo dhibaatu ku noqotay inta badan dadka ku nool dabaqadda hoose iyo midda dhexe.
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi ayaa hore u bixiyay amar ahaa in kor loo qaado is-dhaafsiga ganacsiga Soomaaliya iyo dalkiisa, wuxuuna tilmaamay muhiimadda xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ee isku xira labada dal.





