Qaahira (Dawan)- Masar ayaa muwaadiniinta uga digtay inay u safraan Somaliland, waxayna ugu baaqday kuwa hadda ku sugan inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee Hargeysa
Wargayska Al-Ahram oo soo xiganaya safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in muwaadiniinta Masar loogu baaqay inaysan u safrin Somaliland, iyadoo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda.
Safaaraddu waxay sheegtay in xaaladda ammaan ee hadda ka jirta ay xadideyso awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland
Safaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada ay go'aamiyaan hay'adaha awoodda u leh ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tillaabadan ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii Somaliland ay albaabada isagu laabtay Maktabadda Dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howlgalana u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.



