Ra’iisul Wasaaraha Masar, Dr. Mustafa Madbouly, oo ka qaybgalay fadhiga furitaanka shirka dalalka ku mideysan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dib u soo xoogeysteen, ayna khatar geliyeen guulihii ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka Alshabaab sannadihii 2022 iyo 2023, ay sabab u tahay taageerada beesha caalamka oo liidata.
"Nasiib darro, inkastoo horumar laga sameeyey sanadihii 2022 iyo 2023, haddana 2024-kii waxaan aragnay Al-Shabaab oo dib u soo xoogeysanaya, taasoo ay sababtay jahwareerka iyo kala duwanaanshaha mudnaanta beesha caalamka," ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Masar.
Shirka oo ka dhacay magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa lagu casuumay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK.



