Jigjiga (Dawan ) – Mashruuc cusub oo lagu xoojinayo hay’adaha yaryar iyo kuwa ay haweenku hoggaamiyaan ayaa si rasmi ah looga daahfuray magaalada Jigjiga, iyadoo qorshahan uu isku darayo tababarro iyo deeqo lacageed si loo kobciyo awoodda hay’adaha maxalliga ah.
Barnaamijkan, oo loo yaqaan “Spool Grant Mechanism”, ayaa diiradda saaraya sidii fursado loo siin lahaa hay’adaha soo koraya, gaar ahaan kuwa aan helin maalgelin joogto ah, si ay u horumariyaan shaqadooda una ballaariyaan adeegyada ay bulshada siiyaan.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jigjiga, hay’ado maxalli ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay muhiimadda mashruucan u leeyahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka.
Mas’uuliyiinta mashruuca ayaa sheegay in hay’adaha la xusho ay heli doonaan tababaro kor u qaadaya xirfadaha maamulka iyo qorsheynta, isla markaana la siin doono deeqo ay ku fuliyaan mashaariic tijaabo ah muddo u dhaxaysa saddex ilaa lix bilood.
Isku-duwaha mashruuca, Marwo Amaal Maxamed Muuse, ayaa xustay in mashruucan si gaar ah u bartilmaameedsanayo hay’adaha yar-yar ee ay haweenku hoggaamiyaan, si loo xoojiyo kaalinta haweenka ee horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha.
