Muqdisho Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo ay taageerayaan ciidamada Uganda ee howlgalka Midowga Afrika, ay jebiyeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo sheegtay in lagu dilay in ka badan 40 dagaallame.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga maanta oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ay gaarsiiyeen khasaare culus dagaallamayaasha Al-Shabaab oo isku dayay inay weerar ku qaadaan deegaankaas.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgaladu weli socdaan si loo sugo amniga loogana hortago weerarro kale.
