Baydhabo (Dawan ) – Guddiga doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka baarlamaanka, isagoo qeexay tallaabooyinka muhiimka ah ee ay ka mid yihiin diiwaangelinta musharraxiinta iyo doorashada guddoomiyaha golaha.
Warqad uu guddigu soo saaray Khamiistan maanta ah ayaa lagu sheegay in diyaar garowga doorashooyinka uu si degdeg ah u bilaabanayo, kaddib wadatashiyo lala yeeshay odayaasha dhaqanka, hay’adaha amniga iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Guddigu wuxuu sheegay in habraacu uu ka koobnaan doono shaacinta jadwalka doorashooyinka, diiwaangelinta xubnaha baarlamaanka iyo diyaarinta dhinacyada farsamo ee doorashada.
Sida ku cad jadwalka, hawlaha bilowga ah oo ay ku jiraan shaacinta jadwalka iyo wacyigelinta habraacyada ayaa la qaban doonaa inta u dhaxaysa 26 ilaa 28 Maarso, sidoo kale muadadaas waxaa dhici doona soo xulista iyo diiwaangelinta Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed
