Muqdisho (Dawan ) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilalkii ka qaaday laba wasiiru-dowle, isagoo sheegay in tallaabadan ay ku saleysan tahay qodobbada dastuurka iyo baahida lagu xoojinayo waxqabadka wasaaradaha.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Khamiistan maanta ah ayaa lagu sheegay in Xamsa uu xilka ka qaaday Ismaaciil Shire Jaamac oo ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyo Asad Cabdirisaaq Maxamed oo ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.'
Qoraalka ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu saleeyay qodobbada 120-aad iyo 117-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada.
