Addis Ababa (Dawan)- Wafdi isagu jira mas'uuliyiin dowladeed iyo kuwa ganacsato ah oo ka socda Jabuuti ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya. Wafdiga oo uu hogaaminayay, Maxamed Warsame, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa kulan la qaatay mas'uliyiin ka tirsan xukuumadda Itoobiya sida Dr. Kassahun Gofe, Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka ee dalkaas.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya, waxeyna hoosta ka xariiqeen sida ay uga go'antahay hirgelinta qorshaha horumarinta isdhexgalka dhaqaalaha gobolka.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye, ayaa tilmaamay muhiimadda ay booqashadaan u leedahay kor u qaadista xiriirka dhaqaale iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ay wadaagaan labada dal ee deriska ah.





