Garoowe 15 December 2025 (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay si wadajir ah ugu yeertay dhammaan maamulada degmooyinka iyo maamulka Gobolka Raas-casayr, kulan lagu wado in uu ka qabsoomo magaalada Garowe 22-ka December 2025, sida ku cad warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska wasaaradda.
Warqadda, oo taariikheysan 14 December 2025, ayaa loo diray Guddoomiyaha Gobolka Raas-casayr, dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xoghayeyaashooda, waxaana lagu amrau in ay si degdeg ah isugu yimaadaan caasimadda Puntland ee Garoowe.
Mas’uul ka tirsan degmooyinka gobolka Raas-casayr, oo la hadlay warbaahinta Dawan isla markaana codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in ajandaha rasmiga ah ee kulanka aan si cad loo faahfaahin, balse ay u badan tahay in lagu gorfeeyo arrimo dhowr ah oo xasaasi ah.
Arrimaha la filayo in laga hadlo waxaa ka mid ah habsi u socodka iyo joogteynta kulamada golayaasha degmooyinka iyo kan gobolka, qorshayaasha horumarineed ee degmooyinka, iyo dib-u-eegis lagu sameeynayo jadwalka kulamada golayaasha, kuwaas oo qorshuhu ahaa in ay sanadkii laba jeer qabsoomaan.






