Kismayo 20 December 2025 (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Soipan Tuya, ayaa maanta booqasho ugu tagtay ciidamada Kenya ee ku sugan Kismayo, kuwaas oo ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM). Booqashada waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Kenya, General David Ketter.
Booqashada Wasiirka ayaa kusoo beegemeysa, iyada oo magaalada Kismaayo ay martigelineyso shirka mucaaradka oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyiinka soo socda, inkasta oo aysan soo ifbixin weli inay wax kulamo ah la qaadatay mas'uuliyiinta Jubbaland ama siyaasiyiinta ku sugan magaalada.
Wasiirka Tuya ayaa ciidamada ku amaantay anshaxa, geesinimada, iyo go’aanka joogtada ah ee ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxay bogaadisay qoysaskooda oo u dulqaadatay culeyska uu leeyahay hawlgalka ay ciidamadu ku jiraan.
“Booqashadaydu waxay taageero iyo mahadnaq qoto dheer u tahay ragga iyo dumarka ka shaqeeya meel ka fog dalkooda, iyo qoysaskooda oo si adkaysi iyo dulqaad leh u qaadayaa culeyska halgankooda,” ayay tiri, Tuya
Wasiirku waxay sidoo kale xustay in badqabka iyo daryeelka ciidamadu yihiin mudnaanta ugu sareysa ee Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya. Waxay ku boorisay ciidamada inay sii wadaan hawlgallada xasilinta, ka hortagga argagixisada, iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed.






