Garoowe (Dawan)- xaalad colaad ayaa laga dareemaya maanta Magaaalada Garowoe ee caasimadda Puntland, iyada oo xaafaadaha qaar laga qaxay.
Goobaha Waxbarashada, ganacsiyada iyo isku socodkii magaalada Garowoe ayaa hakad galay kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada Mucaaradka iyo kuwa Maamulka ay sameeynayaan diyaar garoow xooggan.
Wararku waxa ay inatas ku darayaan in Maamulka Puntland kasoo daabulay Magaalada Boosaaso ciidamo cusub, sidaasna ay ciidamda Mucaradku ka sameyesteen Magaalad Garoowe dhufeyso cusub oo cabsi geliyay dadka deegaanka.
Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa kusoo beegmaya iyada oo maalinta berri ah lagu wado in Wakiilaada Puntland ay ka doodaan ansixinta wax ka beddelka doorashooyinka.
Waxaa jiray waayadii u dambeysay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland, kaas oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada ee soo socota.



